
GUDIDA RUQSAD BIXINTA IYO ANSHAX MARINTA QAREENADA SOOMALILAND OO DOOR-TEY GUDOOMIYE CUSUB.
Fadhiga Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax marinta qareenada somaliland oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL mudane Yoonis ahmed Yoonis ayaa lagu doortay gudoomiye cusub kaas oo hogaamin doona Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada.Fadhigan shirkan oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis Goob-joog Uu Ka Ahaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Xoghayaha Ururka Qareenadda Somaliland kana soo xaadireen Xubnaha Gudida, Kaas oo awood u siinaya Wasiirka wasaarada Cadaalada inuu iskugu yeedho fadhiga Gudida sida uu dhigayo Wax ka-badalka iyo kaabiska Xeerka Qareenadda Xeer Lr: 30/2004
Fadhigan Lagu Doortay Gudoomiyaha Cusub Ee Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax Marinta qareenada somaliland Garyqaan Xamse Maxamuud Xasan Maadaama Gudoomiyihii hore iska casilay Xilkii iyo xubinimadii Gudida Mudane Maxamed Cismaan Xasan.
Wasiirka Cadaaladdda Ayaa Kula Dardaarmay Gudida inay Dardar galiyaan Shaqada Gudida iyo waajibaadka uu siinayo Xeerka Qareenadu.