Madax-weynaha ku xigeenka jamhuuriyada somaliland oo xadhiga ka jarey dhismaha cusub oo lagu kordhiyey wasaarada cadaaladda.

Madax-weynaha ku xigeenka jamhuuriyada somaliland oo xadhiga ka jarey dhismaha cusub oo lagu kordhiyey wasaarada cadaaladda.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhisme cusub oo dabaq ah oo lagu kordhiyey Wasaaradda Caddaaladda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka oo kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale socdaal indho-indhayn ah ku soo maray waaxaha kala duwan iyo xafiisyada ay ka kooban tahay wasaaraddu.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga warbixiyey shaqada iyo masuuliyadaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu u hayso qaranka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta nidaamka caddaaladda iyo guud ahaan adeegyada ay bulshada u qabato.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caddaaladda, isaga oo ku ammaanay dedaalka iyo shaqada ay u hayaan qaranka.