
Kulan-ka wadatashiga wax-ka badel-ka iyo kaabis-ta xeerka Nootaayooyin-ka soomaaliland.
Kulan-ka wadatashiga wax-ka badel-ka iyo kaabista xeerka Nootaayooyin-ka soomaaliland.Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis oo u weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladaa Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa furay kulan ka wada-tashiga ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Nootayooyinka Somaliland oo maanta ka furmay hudheelka Damal ee Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka soo qayb-galay daneeyayaasha xeerka nootayooyinka ee kala ah qareennada, xeer-ilaalinta, xildhibaannada golleyaasha Guurtid iyo Wakiillada, xafiiska garyaqaanka guud, saraakiisha nootayooyinka ee gobolka Maroodi-Jeex iyo maxkamadaha dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa soo bandhigay muhiimada ay guud ahaan nootayooyinka u leeyihiin dalka waxaanu si qoto dheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka nootayooyinka Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in wax ka beddelka iyo kaabis xeerka nootayooyinka Somaliland ay yihiin ballan-qaadyadii ay bulshada u sameeyeen markii ay xafiiska la wareegeen waxaanu yidhi “aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta uu rumoobo ballan-qaad aanu samaynay markii aanu xafiiska nimid, xeerkani 25 sanno ayuu jiray waa xeer aynu ku soo kala badbaadnay oo aan la dhaliilay laakiin wax ka bedel iyo kaabis u baahan si uu ula jaanqaado waaqica iyo casriga aynu hadda joogno”
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Nootaayooyinku ay laf-dhabar iyo fure u yihiin in caddaaladu sugnaato, waxaanu sheegay muddadii koobnayd ee ay xafiiska joogeen ay ruqsada kala noqdeen 12 nootaayo oo sharcig ku xad-gudbay waxaanu yidhi “12 nootaayo ayaanu ruqsada kala noqonay muddadii toddobada bilood ahayd ee aanu wasaaradda joognay kuwaas oo aanu u aragnay in aanay u qalmin inay nootayooyin sii ahaadaan, halkaa ku joojin mayno ee waanu sii wadaynaa nootaayo kasta oo xun ruqsada ayaanu kala noqonaynaa” ayuu yidhi Wasiir Yoonis Axmed Yoonis