Kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda JSL iyo Madaxa UNTSMIS oo Lagu Soodhawaynayo Qabsoomida Shirweynaha Caddaaladda Qaranka.

Kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda JSL iyo Madaxa UNTSMIS oo Lagu Soodhawaynayo Qabsoomida Shirweynaha Caddaaladda Qaranka.
Maanta oo ay tahay 17-ka Sebtembar 2025, waxaa xarunta Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga qabsoomay kulan heer sare ah oo uu guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, isaga oo si diirran u soo dhoweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda UNTSMIS (United Nations Technical Support Mission ), kana mid yahay Madaxa Hay’adda, Nasrin Khan, Madaxa Saraynta Sharciga, iyo Mudane Alishar, Isuduwaha Mashruuca Saraynta Sharciga, iyo Mudane Yoonis, Lataliyaha Amniga.
Kulanka oo muhiimad gaar ah xambaarsanaa, waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay diyaar-garowga iyo qabsoomidda Shirweynaha Caddaaladda Heer Qaran ee dhowaan ka furmi doona gudaha dalka. Shirweynahan ayaa la filayaa inuu noqdo mid dib-u-habayn qaran ku sameeya nidaamka garsoorka, korna u qaada wada-shaqaynta hay’adaha caddaaladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageera nidaamka garsoorka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxa sidoo kale xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo UNTSMIS, si loo horumariyo hannaan caddaaladeed oo hufan, waara, kana jawaabaya baahiyaha shacabka.
Kulankan midho-dhal ahaa ayaa lagu gaaray is-afgarad buuxa oo ku salaysan, Dardargelinta diyaar-garowga Shirweynaha Caddaaladda Qaranka, Adkeynta wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aaddan horumarinta sharciga iyo amniga, La wadaagidda khibradaha iyo agabyada farsamo ee kor u qaadi kara nidaamka garsoorka Sii wadidda kulamada joogtada ah ee xoojinta iskaashiga
Ugu danbayn kulankan ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo dhiirrigelin leh, iyadoo la isla qaatay in laga faa’iideysto fursadda uu Shirweynaha Caddaaladdu u yahay dib-u-eegis, kobcin iyo tiir adag u noqoshada nidaamka cadaaladeed ee dalka. Labada dhinac waxay muujiyeen go’aan adag oo ay kaga go’an tahay in si wadajir ah loo dhiso cadaalad waarta oo ku dhisan daah-furnaan, hufnaan iyo kalsoonida shacabka.