
Kulanka U Diyaar-garowga Shirweynaha Caddaaladda Ee Heer Qaran.
Kulanka U Diyaar-garowga Shirweynaha Caddaaladda Ee Heer Qaran.Magaalada Hargeysa waxa si rasmi ah maanta uga furmay Kulanka u Diyaar-garowga Shirweynaha Caddaaladda ee Heer Qaran, Kaas oo gogol-xaadh unoqon doona shirweyanaha cadaaladda ee heer Qaran oo qabsoomi doona Bisha November 2025, Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo 2011, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo cusboonaysiiyo istaraatiijiyadda caddaaladda ee dalka, iyadoo la darsayo caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee qaranka hortiisa yaalla.
Kulankan muhiimada gaarka ah leh waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, iyadoo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo masuuliyiin kale oo sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Xaquuqul insaanka ee Baarlamaanka, garsoorayasha maxkamada sare, xubnaha gudida cadallada iyo gudoomiyaha ururla qareenada SOLA, Wakiillo ka socda ururrada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah.
Kulanku wuxuu saldhig u yahay dadaallo istaraatiiji ah oo lagu mideynayo hindisayaasha lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan, casri ah, kana turjumaya baahiyaha shacabka Somaliland. Wasiirka Caddaaladda ayaa muujiyey aragti fog iyo hoggaan siyaasadeed, isaga oo si qoto dheer u iftiimiyay muhiimadda shirkan iyo kaalinta uu ku leeyahay isbeddelka la doonayo in lagu sameeyo nidaamka caddaaladda, Sinnaan sharci iyo isla xisaabtan. Nidaamka garsoorku waa in uu noqdaa mid ka tarjumaya baahiyaha bulshada, kuna dhisan mabaadi’da daahfurnaanta iyo madaxbannaanida.
Kulanka Diyaar-garowga ayaa calaamad u ah ballanqaadka ay Dowladda Somaliland ka leedahay dib-u-habeyn buuxda oo lagu sameynayo nidaamka caddaaladda, iyadoo la rajeynayo in Shirweynaha Caddaaladda ee bisha November 2025 uu noqdo mid jihaynaya mustaqbal cusub oo ku dhisan kalsooni, daahfurnaan, iyo sinaan.