Munaasabada xil wareejinta agaasimaha guud ee wasaarada cadaaladda iyo agaasimihii hore

Waxaa maanta hudheelka Baraar ee magaalada Hargeysa ka qabsoontay munaasibad xil-wareejin ah oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo Agaasimaha cusub ee uu dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacaabay Wasaaradda Caddaaladda Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi.