Qabsoomida Shirka Gudida Shuruucda iyo Caddaaladda Golaha Wasiirrada

Qabsoomida Shirka Gudida Shuruucda iyo Caddaaladda Golaha Wasiirrada
Maanta waxa si rasmi ah u qabsoomay Shirka Gudida Shuruucda iyo Caddaaladda ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo uu guddoomiyey Wasiirka Caddaaladda.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay hawlaha iyo qorshayaasha guud ee gudida, isla markaana lagu lafo guray qabsoomida Shirka Caddaaladda ee la filayo in uu qabsoomo maalmaha soo socda.
Shirkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu xoojinayo nidaamka caddaaladda, hufnaanta iyo dawlad wanaagga.