Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Mudane Yoonis Ahmed Yoonis Oo Daahfurey Shirka Isku-xidhka adeegyada Caddaaladda ee ay bixiyaan xarumaha xalinta khilaafaadka.

Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Mudane Yoonis Ahmed Yoonis Oo Daahfurey Shirka Isku-xidhka adeeg-yada Caddaaladda ee ay bixiyaan xarumaha xalinta khilaafaadka.
Ugu horrayntii agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ka hadlay furitaanka Shirkan Isku-xidhka adeegyada Caddaaladda ee ay bixiyaan xarumaha xalinta khilaafaadka ayaa si faah-faahsan uga xog-warramay adeegyada Caddaaladeed ee ay qabtaan xarumahani, waxaanu sheegay in xarumahani ay si rasmi ah uga hawl-galaan lixda gobol ee dalka iyada oo xarumahan laga helayo qareenno madax-bannaan oo si bilaash ah ugu dooda dadka nugul, sidoo kale waxa uu sheegay agaasime Maxamed Cabdi Xaashi in xarumahan laga helayo adeegyo online ah oo goor kasta iyo goob kasta la heli karo.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka soo qayb-galay wasiirka wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska marwo Milgo Maxamed Cilmi, xeer-beegti kala ah rag iyo haween kana hawl-gala xalinta khilaafaadka madax-dhaqameed, hoggaanka baadhista dambiyadda ee ciidanka Booliska JSL iyo hay’addaha caalamiga ah ee Wasaaradda Caddaaladda kala shaqeeya arrimahan.
Ugu dambayntii wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis hadal ka jeediyay xidhitaanka shirkan ayaa si qoto dheer uga warramay muhiimada ay Caddaaladu u leedahay ummadda iyo sida ka xukuumad ahaan uga go’an tahay in la sugo Caddaaladda waxaanu yidhi “Caddaaladda oo wanaagsanaata waa ummadda oo guulaysata, Caddaaladda oo sugnaata waa dawladnimada oo sugnaata, Caddaaladda oo sugnaata waa nabad-galyadda oo sugnaata, Caddaalad haddii la waayo dawladnimadu macno ay samaynaysaa ma jirto, markaa annaga waxa naga go’an Caddaaladu inay sarrayso, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa ka go’an sidaan maalin horeba sheegay oo barnaamijkanina qayb ka yahay in hooyada iyo aabaha danyarta ah iyo Taajirku ay Caddaalada u sinaadaan” ayuu yidhi Wasiir Yoonis Axmed Yoonis.