
wasaarada cadaaladda jsl ayaa magaalada hargeisa ku qabatey munaasabad lagu daahfurayey xeerka adeega kaalmo sharci.
Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, isaga oo ka hadlay muhiimada xeerkan u leeyahay bulshada iyo nidaamka caddaladda dalka. Wasiirka ayaa xusay in xeerkani uu door weyn ka qaadan doono hubinta in muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul, ay helaan kaalmo sharci oo tayo leh.Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi, oo isaguna iftiimiyay dadaallada wasaaradda ee ku saabsan horumarinta adeegyada sharciga iyo caddaaladda.
Dhanka kale, waxaa madasha ka soo qayb galay masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socday hay’ado kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wakiillo ka socday UNDP, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta, xubno ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, iyo bahda garsoorka oo ay ku jiraan qareenno iyo khubaro sharci. Sidoo kale, waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, gaar ahaan Ururka Qareennada Haweenka Somaliland (SWLA), lataliyeyaal sharci iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha xuquuqul insaanka iyo horumarinta garsoorka.
