
Wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa farxad weyn u ah ansaxinta xeer-ka adeega kaalma-sharci . Oo Golaha wasiiradu ansaxiyey.
Wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa farxad weyn u ah maanta oo ay taariikhdu tahay 06.08.2025 in Golaha wasiirrada Xukuumadda JSL ay ansixiyeen Qabyo-qoraalka xeerka adeegga kaalmo sharci oo ay Golaha usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda JSL.Qabyo-qoraalka xeerkani waa tallaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan, Waxa aanu ku rejo weynahay inuu wax-weyn ka tari doono nidaamka marin u helida caddaaladda dalka, isagoo fursad metalaad bilaa lacag ah siin doona dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay qabsadaan Qareen ka hor difaaca Maxkamaddaha dalka.
Qabyo-qoraalka xeerka adeegga kaalmo sharci waxa uu ka mid ahaa ballan-qaadkii xukuumadda cusub ee wadajir iyo waxqabad.
Waxa aanu u mahad-celinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Madaxweyne ku xigeenka JSL Maxamed Cali Aw Cabdi iyo xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda sidii sharafta badnayd ee ay u ansixiyeen qabyo-qoraalka xeerka adeegga kaalmo sharci & tallooyinka dhaxal galka ahaa ee ay ku ku soo kordhiyeen mashruucan sharci.
Ugu danbayn, Waxaan ka codsanayaa Golleyaasha sharci-dejinta Qaranka inay ka gutaan waajibkooda sharci sidii qabyo-qoraalka kani u noqon lahaa xeer dhaqan gal ah.