
Wasiir-ka Wasaarada Cadaaladda JSL Mudane Yoonis Ahmed Yoonis Oo Xafiis-kiisa Kulan Kula Qaatey Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada Somaliland.
Wasiir-ka Wasaarada Cadaaladda JSL Mudane Yoonis Ahmed Yoonis Oo Xafiis-kiisa Kulan Kula Qaatey Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada Somaliland.Oo Kulan Kula Qaatey Xafiis-kiisa Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax-marinta Qareenada Somaliland.
kulan waxa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu Wasiirku werbixin dheer ka dhagaystay Gudoomiyaha Guddiga Cigaal Cismaan Aw Xasan & xubnaha guddida ruqsad bixinta & anshax marinta qareenada Somaliland iyagoo uga waramay wixii u qabsoomay mudadii ay joogeen & caqabadaha ku gadaaman shaqadooda.
Ka dib werbixinta waxa uu wasiirku la wadaagay qoddobo muhiim u ah kulankan oo ay ka mid yihiin.
1. hawl-gudashada xubnaha guddida.
2. u hogaansanaan la’aanta habraac bixinta ruqsadaha qareenada.
3. Gaabiska & hagaajinta nidaamka anshax marinta qareenada & sidii loo fulin lahaa go’aanada maamul ee ay gaadheen guddidu.
Wasiirka iyo xubnaha guddida ayaa ku balamay kulan kale si looga sii amba qaado qodobada sare ku xusan.
ARAFAT MOHAMED DIRIE
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA.