Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Ayaa furey shirka wada-tashiga Qabyo qoraalka xeerka La dagaalanka Takoorka.

Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Ayaa furey shirka wada-tashiga Qabyo Qoraalka Xeerka La Dagaalanka Takoorka.
Waxa Goobjoog ka  ahaa Madashii Lagu iba Furayey Xeerkan Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Xaashi Cabdi & xubno golaha Wasiiradda kamid ah, sida  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Xildhibaano, Hay'addaha ay Wadashaqaynta dhow  leeyihiin Wasaaradda.
Ugu Horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaalada JSL Mudane Yoonis Axmed Yoonis Ayaa Ku Tilmaamay Xeerkan Mid Loo Baahnaa oo Taariikhda Noqon Doona Markii ugu horaysay Ee Somaliland Laga hirgeliyo Xeerkan. 
Agaasimaha Waaxda Arimaha Shuruucda Ee Wasaarada cadaaladda JSL Saleebaan Cabdi Axmed Ayaa ka warbixiyey Maraaxil-kii Uu  Soo Maray Xeerkan Qabyo Qoraalka ahi.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cadaaladda JSL Mudane Maxamed Cabdi Xaashi Oo Hadalka- qaatay ayaa ku dheeraaday ujeedada xeerkan laga leeyahay Isaga Oo Agaasimuhu  sheegay in xeerkan loogu talogalay in uu dhamaan meesha ka saaro Wixii faquuqa ee arimaha bulshada oo dhan ah, Waxa kale Oo Agaasimaha Guud Madasha ka Sheegay In Xeerkan Uu bud-dhigiisu Yahey shareecada islaam-ka iyo Dastuur-ka jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka Shaqada Arimaha Bulshada & Qoyska Ayaa xeerkan ku tilmaamtay mid qiimihiisa & Hufnaantiisa leh Oo Wax Badan lagaga Bixi Doono, 
Wasiirka Diinta  iyo Awqaafta Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac Ayaa Bogaadiyey Soona Dhaweeyey Xeerkan Qabyo-Qoraalka Ah Ee La Dagaalan-ka Takoorka.



ARAFAT MOHAMED DIRIE
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA