
Wasiirka wasaarada Cadaaladda JSL Ayaa kormeeray Xabsiga Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladsa JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer darsid iyo xog ogaal u noqosha ah ku sameeyey Xabsiga Gobolka Saaxil ee Berbera.Kormeerkan oo qayb ka ah qorshe lagu darsaayo, looguna kuurgalayo xaalada nololeed ee maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo caqabadaha haysta xabsiyadda, waxa wasiirka ku weheliyey saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan.
Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan iyo Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo wasiirka ku qaabilay Berbera, ayaa sidoo kale kormeerkan ku weheliyey.
Taliyaha Xabsiga Berbera Gashaanle Sare Xasan Maxamed Xaaji Ibrahim (Arbaca), ayaa masuuliyiinta wasiirku hoggaaminaayey siiyey warbixinta Guud ee Xabsiga.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in kormeerkan ujeeddadiisu tahay u-kuurgalida xaaladda guud ee maxaabiista iyo xabsiga ba si loo horumariyo xabsiyadda, iyadoo qorshuhu yahay in dib-u-habayn iyo casriyeyn loogu sameeyo xabsiyadda dalka.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay waxa ay mid mid u waraysteen maxaabiista Xabsiga ku jirta, iyagoo sidoo kalena si toos ah u darsay xaalada maxaabiista xabsiga ku jirto.
ARAFAAT MOHAMED DIRIR
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA