
Wasiirka wasaarada Cadaaladda JSL Ayaa safar shaqo Ku Tagey Gobolka sanaag. Xaruntiisa magaalada Ceerigaabo,
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladsa JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku sameeyey Xabsiyada Kamid Ah Gobolka Sanaag.Kormeerkan ayaa qayb ka ah qorshe lagu darsaayo, laguna kuurgalo xaalada nololeed ee ka jirta xabsiyadda dalka, gaar ahaan xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, xaalaadda nadaafadeed iyo baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo guud ahaan caqabadaha haysta xabsiyadda.
Kormeerkan, ayaa wasiirka waxa ku wehelinaaya Badhasaabka Gobolka Sanaag & Maayirka Dagmada Ceerigaabo waxaana weftiga Ku qaabilay Taliyaha Qaybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Sanaag.
Taliyaha Qaybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Sanaag ayaa masuuliyiinka wasiirku hoggaaminaayey siiyey warbixinta Guud ee Xabsiga, isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka wasiirku ugu yimid, Wasiir-ka Cadaaladda Ayaa Kormeerka indho indhaynta kusoo maray dhamaan maxaabiista xabsigaa kujirtay mid midna u waraystay xalada ay ku sugan yihiin.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawlwadeennada xabsiga iyo guudnahaan Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay dawlad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalibta caqabadaha ka jira xabsiyadda.
Carafat Mohamed Dirie
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA