
Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Mudane Yonis Ahmed Yonis Ayaa Kormeer ku Tagey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargeisa.
Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Mudane Yonis Ahmed Yonis Ayaa Kormeer ku Tagey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargeisa.kormeerkan wasiirka ayaa Daaranaa Xaqiiqo Raadin Iyo U Kuur-galida xaalada Nololeed Ee Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiga Dhexe Ee Hargeisa.
Kormeerka ayaa waxa wasiirka Ku Wehelinaayey Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawed. Xubno ka mid ah Kumishinka xuquuqal Insaanka somaliland Iyo Saraakiil wasaarada cadaaladda ka Tirsan.
Taliye Ku-xigeenka Xabsiga Dhexe Hargaisa Mudane Jihaad Cabdilaahi Aw Cabdi ayaa Masuuliyiinta wasiirku hoggaaminaayey siiyey Warbixinta Guud ee Xabsiga, isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka wasiirku ugu yimid,
Wasiir-ka Ayaa Kormeer ndho indhayn ah kusoo maray dhamaan maxaabiista xabsigaa kujirta mid midna u waraystay xaalada ay ku sugan yihiin.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawl-wadeenada xabsiga iyo guud Ahaanba Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay ka xakuumad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalinta caqabadaha ka jira xabsiyadda.
ARAFAT MOHAMED DIRIE
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA