
Wasiirka wasaarada cadaaladda jsl Mudane Yoonis Axmed Yoonis Oo Kulan La Qaaatey Madax-da Hay'ada SIDA
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo maalmahan safar shaqo ku joogay waddanka Sweden, ayaa maanta kulan la qaatay madax sare oo ka tirsan hay’adda Sida oo dawladda Sweden u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah.Wasiir Yoonis Axmed Yoonis kulankiisa waxa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md. Axmed Yaasiin Maxamed iyo Safiirka Somaliland ee dalka Sweden Amb Sakariye Xasan Wacays, waxaana xafiiska ku qaabilay Mr. Anders Ronquist oo ah madaxa hay’adda Sida ee Africa, waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka labada dhinac, iyo iskaashiga horumarinta dhinacyada Cadaaladda, Garsoorka, Xabsiyada.
Labada dhinac, waxay sidoo kale isla qaateen in Madaxa ugu sarreeya hay’adda Sida uu yimaado Somaliland si kor looggu qaado iskaashiga dalalka Somaliland iyo Sweden, abuurista mashaariic horumarineed ee hor leh, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay gacmo furan ku soo dhawaynayso inay wada shaqeyn dhow la yeelato hay’adda Sida oo muhiim u ah dhinacyada iskaashiga horumarka.
ARAFAAT MOHAMED DIRIE
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA