WASIIRKA WASAARADA CADAALADDA JSL OO XILKII U KALA WAREEJIYEY HOGAANKII URURKA QAREENADA SOMALILAND.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey hoggaankii hore ee ururka qareennada Somaliland iyo hoggaanka cusub ee ay dhaween doorteen.
Xaflad xil-wareejinta ayaa waxa ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda JSL Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, ku-xigeenka garyaqaanka guud ee qaranka Md. Mubaarik Maxamuud Cabdi, Xildhibaan Mustafe oo ka tirsan golaha guurtida, masuul ka socday hay'dda caalamiga ah ee UNDP, xubin ka socday ururka Nootaayooyinka iyo xubno ka tirsan ururka qareenadda Somaliland.
Ugu horrayntii guddoomiyihii hore ee ururka qareennada Somaliland Garyaqaan Xasan Cali Cawaale oo madasha xilwareejinta hadal ka jeediyay ayaa si faah-faahsan uga warramay wixii u qabsoomay muddidii ay xilka hayeen iyo caqabadaha ka hor-yimid.
Dhan kale Guddoomiyaha cusub ee ururka qareenada Somaliland Garyaqaan Xasan Cali Xasan ( Banfas ) oo isaguna madasha hadal ka jeediyay ayaa si ballaadhan ugu mahad-naqay Garyaqaanadii kala duwanaa ee xilka u doortay, waxa uu sidoo kale u mahadnaqay madaxda Wasaaradda Caddaaladda JSL oo ay ugu horreeyaan wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cabdi Xaashi, waxaanu ku dheeraaday hiigsiga iyo himilada ay doonayaan inay ku hogaan ururka qareennada muddada ay xilka hayaan.
Ugu dambayntii Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa hadallo mahadnaq, duco, dardaaran iyo soo dhaweyn ah u jeediyay hoggaanka cusub ee ururka qareennada Somaliland iyo hoggaankii hore ee maanta xilka wareejinayay.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis waxa uu sheegay in shaqada qareenimadu ay tahay shaqo waayeelnimo u baahan waxaanu qareenadda Somaliland kula dardaarmay inay muujiyaan mas’uuliyad dheeraad ah.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan aanay wax faro-gelin ah ku samayn doorashadii ururka qareennada Somaliland ee dhawaan ka qabsoontay magaalada Hargeysa.
Ugu dambayntii Wasiir Yoonis Axmed waxa uu ballan-qaad weyn u sameeyey ururka qareennada Somaliland isaga oo sheegay in uu ka shaqayn doono laba qodob oo muhiim u ah ururka qareennada Somaliland kuwaas oo kala ah dhisme ay leeyihiin ururka qareennada Somaliland iyo in kor loo qaado miisaaniyada ay helaan, waxaanu sheegay wasiir Yoonis Axmed Yoonis in waxa kaliya ee ka doonayaan ururka qareennadu inay tahay inay ka shaqeeyaan sidii Caddaaladu ay u sugnaan lahayd.