Wasiirka wasaarada cadaaladda oo furey shirka Aas-aaska Gudida isku xidh-ka Ka Hor-taga Dambiyada.

Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL oo furey shirka Aas-aaska Gudida isku xidh-ka Ka Hor-taga Dambiyada.
Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Mudane Yoonis Ahmed Yoonis Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cadaaladda Mudane Mohamed Abdi Hashi Ayaa Si Rasmiya U Daahfurey Shirka Aas-Aaska Gudida Isku Xidhka Ka Hortaga Dambiya. Gudidan ayaa ka kala imanayaa Hay'adaha Dawlada Ee Ka Shaqeeya Ka Hortaga Dambiyada. Ee Kala Ah Wasaarada Cadaaladdda. Wasaarada Arimaha Gudaha. Ciidanka Booliska . Ciidanka Asluubta. Xeer-Ilaalinta Guud Ee Qaranka. Iyo Dallada Guud Ee Ururada Bulshada Rayidka ah Ee SONSAF. Shirkan Oo Ka Qabsoomey Hall-ka Shirarka Ee Wasaarada cadaaladda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb-galey Wakiilo ka kala socda Hay'adaha caalamiga ah Ee ka Taageera Wasaarada Cadaaladda Ka Hortaga Dambiyada Caalamiga ah Sida. UNDP UNTMIS EUCAP.
Inta Uu Socdo shirku waxaa diirada lagu saarayaa hawlaha shaqo ee Gudida isku xidhka ka hortaga dambiyada. waxaa kale oo shirkan ka soo baxey talaabooyiin muhiim u ah Oo La Xidhiidha ka hortaga dambiyada.
Ugu Dambeyntii Gudidu waxey si weyn isula falanqeeyeen qorshayaashooda hawlo ee saddexda Bilood Ee Soo Socda.

CARAFAAT MOHAMED DIRIE
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-ga.