
Wasiirka Wasaarada cadaaladda oo safar shaqo ku tagey Gobolada Bari Ee Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladsa JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku sameeyey Xabsiga Kamid Ah Gobolka Saraar.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah qorshe lagu darsaayo, laguna kuurgalo xaalada nololeed ee ka jirta xabsiyadda dalka, gaar ahaan xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, xaalaadda nadaafadeed iyo baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo guud ahaan caqabadaha haysta xabsiyadda.
Kormeerkan, ayaa wasiirka waxa ku wehelinaaya saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan, waxaana weftiga Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Saraar, Maayir-ka Dagmada Caynaba iyo Taliyaha Xabsiga Caynaba.
Taliyaha Xabsiga CAYNABA ayaa masuuliyiinka wasiirku hoggaaminaayey siiyey warbixinta Guud ee Xabsiga, isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka wasiirku ugu yimid, Wasiir-ka Ayaa Kormeerka indho indhaynta kusoo maray dhamaan maxaabiista xabsigaa kujirtay mid midna u waraystay xalada ay ku sugan yihiin.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawlwadeennada xabsiga iyo guud ahaantood Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay dawlad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalinta caqabadaha ka jira xabsiyadda.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay waxa ay warraysteen maxaabiista Xabsiga ku jirta, iyagoo sidoo kalena si toos ah u darsay xaaladsa maxaabiista xabsiga ku jirtaa ku nool yihiin.
Sidoo Kale Wasiirka Cadaaladda Ayaa Booqday Xafiiska Wasaaradda Cadaaladdu ku Leedahay Gobolka Saraar Halkaas oo uu Kusoo Dhaweeyey Iskuduwaha Gobolka Saraar & Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda.
Carafaad Maxamed Diiriye
AGAASIMAHA WAAX-DA ICT-GA