Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis Aayaa ka qayb-galey shirweynaha 6-aad Uu Ururka Qareenada somaliland.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis Oo Uu Weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta ka qayb-galay shirweynaha 6-aad ee ururka qareenada Somaliland ee SOLLA oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa. Shirka oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 300 oo qareen ayay ujeedadiisu tahay in lagu doorto hoggaanka cusub ee ururka qareenadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis oo ka warramay muhiimada ay qareenadu u leeyihiin qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay ka xukuumad ahaan ugu go’an tahay inay horumariyaan qareennada iyo waaxda garsoorka waxaanu yidhi “qareenadu waa tiir weyn oo muhiim u ah dawladnimadeena gaar ahaan waaxda caddaaladda, xukuumad ahaan waxa naga go’an in aanu garab istaagno, dhiiri-gelino qareenadda iyo ururka qareenadaba” .
Wasiirka wasaaradd Caddaaladda JSL Md. Yoonis Axmed Yoonis isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ka xukuumad ahaan waxaanu ballan-qaadaynaa oo aanu ka shaqayn doonaa in ururku uu yeesho xarun uu isagu leeyahay, madaxweynaha waxa ka go’an in ku dhaqanka sharcigu sarreeyo rule of low, oo isla xisaabtankuna sarreeyo, ka xukuumad ahaan waxa naga go’an in Caddaaladu sarrayso, maanta oo Arbaca ah golaha wasiirrada waxa hor-yaalla xeerka kaalmo sharci oo muhiim u ah dadka danyarta ah ee suuqa jooga difaacidooda.” Wasiir Yoonis Axmed Yoonis.