Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Yoonis Axmed Yoonis ayaa maanta furay kulanka dhammaystirka qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta,

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Yoonis Axmed Yoonis ayaa maanta furay kulanka dhammaystirka qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta, kaas oo ay ka qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo daneeyayaasha kala duwan ee bahda caddaaladda.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey qodobada u baahan wax-ka-beddelka iyo kaabista, iyadoo la isla qaatay in xeerka loo gudbiyo marxaladaha sharci ee u hadhay.
Masuuliyiintii hadalka ka jeediyey kulanka ayaa ka warramay muhiimadda uu xeerkani u leeyahay horumarinta Ciidanka Asluubta, ilaalinta xuquuqahooda iyo xoojinta nidaamka caddaaladda dalka.