
Wasiiirka wasaarada cadaaladda jsl oo xadhiga ka jarey xafiis-ka wasaarada ee gobolka saaxil.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray xafiis cusub oo labaad oo ay wasaaraddu ka hirgelisay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.Munaasabadda furitaanka xafiiskan cusub ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen maamulka gobolka Saaxil ee Wasaaradda Caddaaladda, badhasaabka gobolka Saaxil, guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka xafiiskan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa adeegyada caddaaladda ee bulshada ku nool gobolka Saaxil.
